TACSI Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga WADDANI Mudane Xil Cabdiqaadir Jirde oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta, Waxgaradka, iyo Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaddi Sidci.

Thursday April 29, 2021 - 13:07:18
0 Comments
642
Xisbiga WADDANI

TACSI

Date:29ka April 2021ka

Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga WADDANI Mudane Xil Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka Guddoomiyaha Xisbiga, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, Waxgaradka, iyo Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaddi Sidci.

Mudane Cabdiqaadir Jirde waxa uu marxuumka ku sifeeyay nin samatalis ahaa oo dadaal iyo dadnimo wanaag ku suntana, si hufana bulshada Somaliland ugu adeegay muddadii uu siyaasadda ku jiray oo uu soo qabtay xilal ay ka mid ahaayeen in uu Gobolka Awdal badhasaab ka soo noqday haddana ka mid ahaa odayaasha Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha KMG Waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

     Barkhad Jaamac Batuun



Image


Leave a comment