TACSI Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga WADDANI Mudane Xil Cabdiqaadir Jirde oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada,Waxgaradka,Bahweynta shirkadda Telesom iyo Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Saalax (Cajab) oo Hargeysa ku geeriyooday

Thursday April 29, 2021 - 11:50:08
0 Comments
579
Xisbiga WADDANI

TACSI

Date: 29KaApril 2021ka

Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga WADDANI Mudane Xil Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka Guddoomiyaha Xisbiga, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, Waxgaradka, Bahweynta shirkadda Telesom iyo Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Saalax (Cajab) oo Hargeysa ku geeriyooday.

Mudane Cabdiqaadir Jirde waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi dadnimo badan oo dhaqan wanaag iyo hawl karnimo ku astaysna, door shariif ahna ku lahaa horumarka Somaliland, muddo dheerna ka mid ahaa madaxda shirkadda Telesom iyo haldoor bulshada ka dhex muuqda.

Guddoomiyaha KMG Waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

   Barkhad Jaamac Batuun

Image


Leave a comment