Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta, Bahda waxbarashada iyo guud ahaan Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal guddoomiyihii Jaamacadda Alpha.

Monday April 26, 2021 - 12:25:29
0 Comments
586
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

 

 

Date: 26KaApril 2021ka

 

 

Tacsi Guddoomiye Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, Bahda waxbarashada iyo guud ahaan Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal guddoomiyihii Jaamacadda Alpha.

 

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa haldoor iyo tiir weyn oo ka baxay bahda waxbarashada Somaliland, islamarkaana kaalin mug leh ku lahaa horumarinta waxbarashada iyo dhismaha dalka.

 

Guddoomiyuhu Waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

      Barkhad Jaamac Batuun

Image



Leave a comment