Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, Salaadiinta iyo guud ahaan Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi (Suldaan Laydh) oo ku geeriyooday Hargeysa.

Thursday April 15, 2021 - 17:43:46
0 Comments
563
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Date: 15KaApril 2021ka

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, Salaadiinta iyo guud ahaan Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum SuldaanCabdillaahi Axmed Cilmi (Suldaan Laydh) oo ku geeriyooday Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuu ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah oo wax badan ka soo qabtay dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland.

Guddoomiyuhu Waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

    Barkhad Jaamac Batuun

May be an image of text



Leave a comment