"Cabdi Xaashi Oo Aqalka Sare Ee Somalia madax ka ah ayuu Madaxweynuhu yidhi 'waa Mujaahid reer Somaliland ah

Thursday April 15, 2021 - 16:05:45
0 Comments
711
Xisbiga WADDANI

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI Mudane Cismaan Afgaab Nuur ayaa sheegay in Shakhsiyaad aan aqoon u lahayn Qiimaha iyo xaqa uu Somaliland ku leeyahay Jaamac Maxamuud Doolaal isku dayayaan in si siyaasadaysan sharaftiisa u dhaawacaan, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in shuruud la’aan lagu sii daayo Jaamac Doolaal oo ka mid ah shakhsiyaadkii sameeyay hawlgalladii ugu badna ee SNM Somaliland ku xoraysay.


"Cabdi Xaashi Oo Aqalka Sare Ee Somalia madax ka ah ayuu Madaxweynuhu yidhi ‘waa Mujaahid reer Somaliland ah’, Jaamac Doolaal oo ah raggii Somaliland soo dhiciyay ee isaga oo dhallinyaro ah naftiisa iyo maalkiisaba u hurayna in isaga oo 70 jir ah uu Hargeysa jeel xaqdarro ah ku galo waa wax aad looga xumaado,” Gud Cismaan Afgaab

Leave a comment