Musharraxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Amb Maxamed Cali Aw-Cabdi Ayaa Dhambaal Tacsiya u Diray Ehelada, Qaraabada Iyo Bahdii Dhaqanka ee uu Ka baxay Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Tuesday April 13, 2021 - 12:32:44
0 Comments
658
Xisbiga WADDANI

TACSI

Date: 13KaApril 2021ka

Musharraxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Amb Maxamed Cali Aw-Cabdi Ayaa Dhambaal Tacsiya u Diray Ehelada, Qaraabada Iyo Bahdii Dhaqanka ee uu Ka baxay Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Musharraxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI ayaa ku sifeeyay suldaanku inuu ahaa samo-talis nabadeed oo ka soo shaqeeyay kana soo qayb-qaatay nabadayntii iyo walaalayntii beelaha Somaliland sidoo kalena ahaa dhaqan-yaqaankii hormuudka ka ahaa gundhigii lagu yagleelay Dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland.

Musharraxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Ayaa Marxuumka Illaahay Uga Baryey Inuu Janatu Fardawsa Ka Waraabiyo Eheladii Uu Ka Baxayna Uu Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

     Barkhad Jaamac Batuun


May be an image of text

Leave a comment