TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka iyo Salaadinta guud ahaan Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku geeriyooday Turkiga.

Tuesday April 13, 2021 - 08:56:10
0 Comments
755
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Date: 13KaApril 2021ka

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka iyo Salaadinta guud ahaan Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku siifeeyay Tiir weyn oo Qaranka Somaliland ka baxay. Waxa uu tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah oo wax badan ka soo qabtay dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland.

Guddoomiyuhu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyska iyo Qaranka wuxuuna Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

   Barkhad Jaamac Batuun


No photo description available.

Leave a comment