Nuxurka Kullan Ballaadhan Oo Ay Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI Ku Yeesheen Xarunta Guud Ee Xisbiga Iyo Arrimaha Lagu Gorfeeyey

Thursday August 06, 2020 - 18:33:49
0 Comments
1265
Xisbiga WADDANI



Hargeysa (WMG)Garabka Haweenka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa kullan Ballaadhan ku yeeshay maanta xarunta guud ee Xisbiga WADDANI, kaas oo  gogol xaadh u ahaa kullamo kale oo  la filayo in ay dhawaan ka qabsoomaan xarunta Xisbiga ee Gobolka Maroodijeex.



Kullanka Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI ay yeesheen, ayaa waxa ka soo qayb-gashay Marwada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble, waxaanu ahaa mid diirada lagu saarayey dar-dargelinta hawlaha Xisbiga, isla markaana lagu soo dhaweynayey masuuliyiinta garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodijeex ee uu dhawaan Xisbigu xilalka u magacaabay.



Dhanka kalene kullankan Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI ,ayaa waxa lagu gorfeeyey sidii loogu diyaargaroobi lahaa Doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee lagu wado inay sannadka dabayaaqadiisa ay ka qabsoomaan Dalka, waxaanu kullankaas ku soo dhammaaday sidii loogu talogalay iyadoo kullamo kalena loogu ballamay maalamaha soo socda






Leave a comment