Guddoomiye Cirro oo tacsi u kala diray qoysaska, ehelka, asxaabta ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil Marxuum Dr Diiriye Ismaaciil iyo Marxuum Prof Faarax Shire Barre

Saturday March 27, 2021 - 10:49:23
0 Comments
850
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, ehelka, asxaabta, bahda waxbarashada iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Diiriye Ismaaciil Ereg Hormuudkii Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Hargeysa iyo Prof Faarax Shire Barre oo muddo dheer ka mid ahaa bahda waxbarashada oo labadooduba ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.


Guddoomiyuhu waxa uu labada marxuum ku sifeeyay shakhsiyo dadnimo iyo karti badnaa oo si xilkasnimo leh ugu soo adeegay bulshadooda wakhti badan iyo dadaalna galiyay sidii ay bulshadooda uga horumarin lahaayeen dhanka waxbarashada kana gaadhay guulo la taaban karo.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumiinta Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoysaska, ehellada, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
    Barkhad Jaamac Batuun

==================================================

Tacsi Guddoomiye


 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan Bulshada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Magaalada Muqdhisho.

 

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa nin samatalis ah oo wax badan ka soo qabtay nabadda iyo wada jirka ummadda.

 

Guddoomiyuhu Waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

 

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

     Barkhad Jaamac Batuun


May be an image of 1 person and indoor

May be an image of 1 person

May be an image of textNo photo description available.

Leave a comment