TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Bashiir Cabdi Madoobe oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday.

Saturday March 06, 2021 - 14:17:33
0 Comments
427
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Bashiir Cabdi Madoobe oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya carruurtiisii, walaalkii Suldaan Bulbul Cabdi Madoobe, dhammaam qoyska Reer Cabdi Madoobe iyo guud ahaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumku.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

   Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment