TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariin Axmed Caydiid (Cabdi Berbera) oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Thursday March 04, 2021 - 08:40:19
0 Comments
432
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariin Axmed Caydiid (Cabdi Berbera) oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo uu walaalkii ahaa iyo guud ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

    Barkhad Jaamac Batuun


No photo description available.

Leave a comment