TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Muxiyadiin Cabdillaahi Sool oo ku geeriyooday Helsinki, Finland.

Thursday February 25, 2021 - 08:27:20
0 Comments
494
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Muxiyadiin Cabdillaahi Sool oo ku geeriyooday Helsinki, Finland.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida Marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya Faadumo Maxamed Cabdillaahi Cirro oo uu saygeeda ahaa, carruurtiisii iyo dhammaan qoysaska Reer Cabdillaahi Sool, Reer Cirro iyo ehelada uu ka baxay Marxuumku.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, Carruurtii, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment