Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda ciida carafo oo maalinta berri ah ku beegan Insha Allah

Thursday July 30, 2020 - 11:08:19
0 Comments
600
Xisbiga WADDANI
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda ciida carafo oo maalinta berri ah ku beegan Insha Allah
Sidoo kalena wuxu Guddoomiyuhu Bulshada ugu baaqay in laga farxiyo dadka danyarta ah iyo Agoomaha si ay dhammaanteen inoola qeybsadaan farxadda Ciida. 

dhanka kale wuxu guddoomiyuhu dar-daaran lexejeclo weyn leh u diray dhallinyaradda gawaadhida goboladda dalka u kaxaysata maalmaha Ciida isaga oo uga digay  xawaaraha dheer ee gawaadhida lagu kaxeeyo si nafahooda u bad-baadan.

Leave a comment