TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dayr Maxamed Cilmi oo kamid aha Odayaasha Gobolka Togdheer oo Burco ku geeriyooday caawa.

Friday February 12, 2021 - 22:53:28
0 Comments
621
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dayr Maxamed Cilmi oo kamid aha Odayaasha Gobolka Togdheer oo Burco ku geeriyooday caawa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi qiimo leh iyo tiir weyn oo ka baxay bulshada Somaliland kuna suntana Odayaashi Halgankii Somaliland doorka wayn ka soo qaatay

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

   Barkhad Jaamac Batuun

May be an image of text



Leave a comment