TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Naqwa Xaaji Warsame.

Friday February 12, 2021 - 22:23:30
0 Comments
662
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Naqwa Xaaji Warsame.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida Marxuumadda si gaar ah uga tacsiyaynaya dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka baxday.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuummadda Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, Carruurtii, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun
No photo description available.


Leave a comment