Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Daahir Maxamed (Aadan Dheere) oo ku geeriyooday Magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo xaalad caafimaad loo geeyay.

Thursday February 11, 2021 - 10:27:45
0 Comments
501
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Daahir Maxamed (Aadan Dheere) oo ku geeriyooday Magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo xaalad caafimaad loo geeyay.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi qiimo leh iyo tiir weyn oo ka baxay bulshada Somaliland kuna suntana dadaal iyo hawlkarnimo, islamarkaana muddadii uu siyaasadda ku jiray si hufan bulshada ugu soo shaqeeyay xilliyadii uu heer wasiir ku shaqaynayay iyo hadda oo uu ka mid ahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI iyo aasaaseyaashii bud-dhigga u ahaa dhismaha Xisbiga.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.May be an image of ‎text that says '‎Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. راجِعون إِلَيْهِ وَإِنّا لِلّهِ إِنَّا Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun‎'‎


Leave a comment