Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa bookhday Agaasimaha Telefishanka Qaranka Somaliland ahna ruug caddaa saxaafadeed Maxamed Cali Xasan Waji oo xaalad caafimaad u yaalla dhakhtarka Royal ee magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa Xaaladdiisa caafimaad ka xog waraystay Mudane Maxamed Cali Waji Allena uga baryay caafimaad taama.

Monday February 08, 2021 - 11:16:30
0 Comments
460
Xisbiga WADDANI
Mudane Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in Maxamed Xasan Cali Waji yahay shakhsi ku qaali ah Somaliland oo hibadiisa iyo waayo aragnimadiisa muddo dheer ugu soo adeegayay.

Guddoomiyaha waxa wehelinayay Afhayeenka xisbiga Mudane Barkhad Jaamac Batuun, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Faarax Cabdi iyo Xoghayaha Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme
May be an image of 3 people, people standing and outdoorsMay be an image of 5 people and people standingMay be an image of 3 people, people standing and indoorMay be an image of 3 people, people standing, people sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 3 people, people sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoor


Leave a comment