TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Xaadsan Muxumed Axmed Cigaal oo ku geeriyootay Magaaladda Oodweyne ee xarunta Daadmadheedh.

Saturday February 06, 2021 - 16:56:50
0 Comments
454
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Xaadsan Muxumed Axmed Cigaal oo ku geeriyootay Magaaladda Oodweyne ee xarunta Daadmadheedh.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah tacsi ugu diraya Cali Ibraahim Baqdaadi Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo Marxuumaddu hooyadii ahayd iyo guud ahaan qoyska ay ka baxday.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

May be an image of text

Leave a comment