TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, bahda dhaqanka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Jiif Caaqil Cabdiwali Maxamuud Faarax (Budhyare) oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Saturday February 06, 2021 - 16:54:10
0 Comments
642
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, bahda dhaqanka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Jiif Caaqil Cabdiwali Maxamuud Faarax (Budhyare) oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.


Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyay shakhsi weyn oo wanaag iyo samatalisnimo ku astaysna, dad yaqaan ah oo doorweyn ku lahaa nabadda iyo isku haynta bulshada.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun



 

Leave a comment