Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa guddoomiyay Shirka Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI oo ka qabsoomay Xarunta Xisbiga.
Guddoomiyaha ayaa madaxda kulanka ka soo qayb gashay warbixin ka siiyay arrimaha doorashooyinka iyo ahmiyadda ay leedahay in si buuxda loogu diyaar garoobo doorashooyinka isku-sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka. Waxa kale oo kulanka warbixino lagaga dhegaystay xubno ka mid ah Guddida Fulinta.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay dardar gelinta kala xulidda Musharraxiinta xildhibaannada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, islamarkaana la xoojiyo shuruudaha ay ku soo bixi lahaayeen dad tayo leh oo dalka iyo dadka waxtar u leh.





































