TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha
xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo
ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo
haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,
ehelada, Waayeelka, asxaabta, Golaha Baarlamaanka iyo Guud ahaan Qaranka uu ka
baxay Alle ha u naxariistee Marxuum xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaasoo ku geeriyooday dalka Turkiga oo uu muddo xaaalad caafimaad u jiifay.
Guddoomiyuhu
waxa uu Marxuumka ku sifeeyay shakhsi weyn oo wanaag iyo samatalisnimo ku
astaysna, doorweyna ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii Somaliland.
Waxa uu ku suntana halgan caddaaladeed, karti iyo dood caddaan muddadii uu
Baarlamaanka Somaliland ka mid ahaa.
Guddoomiyuhu
waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo,
Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo
Qaranka JSL ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إنَّا
لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga
WADDANI
