TACSI
GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha
xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo
ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo
haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska,
ehelada, asxaabta, dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee uu ka baxay
Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Cabdillaahi agaasimihii guud
ee Madaxtooyada Jabuuti oo ku geeriyooday dalka Jabuuti.
Guddoomiyuhu
waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi dadnimo fiicnaa oo dadaal iyo hawl
karnimo ku astaysna daacadnimo iyo hufnaanna ugu soo adeegay bulshadiisa iyo
dawladda Jabuuti.
Guddoomiyuhu
waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryayaa in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi
dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta,
shacbiga iyo Dawladda Jabuuti ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka
siiyo.
إِنَّا
لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga
WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun