TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Saturday January 16, 2021 - 14:35:42
0 Comments
556
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Shukri Xariir Ismaaciil oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa marxuumadda ku sifeeyay Shakhsi wanaagsan iyo wariye ruug caddaa ah oo hawl karnimo iyo hal adayg ku astaysan, isla markaana si hufan ugu soo shaqaysay Bulshadeeda muddaddii ay wasiir ku xigeenka ahayd iyo intii ay siyaasadda ku jirtayba.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuummadda Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

  Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment