TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u kala diray qoysaska,ehelada iyo asxaabta ay ka-kala baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Cabdi Xariir,Marxuum Caaqil Shukri Jaamac Diiriye,iyo Marxuum Col Ibraahin Axmed Ismaaciil.

Saturday January 16, 2021 - 09:06:40
0 Comments
571
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Cabdi Xariir oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah tacsi ugu diraya Bashiir Cabdi Xariir xoghayaha Qorshaynta ee Xisbiga WADDANI oo marxuumku walaalkii ahaa iyo guud ahaan qoyska reer Cabdi Xariir.

Sida oo kale waxa uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI Tacsi u diraya qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo bahda dhaqanka ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee MarxuumCaaqil Shukri Jaamac Diiriye oo xalay Hargeysa ku geeriyooday.

Guddoomiyuhu wuxuu ku sifeeyay marxuumka Oday weyn oo kamid ahaa odayaasha haldoorka ah ee Hargeysa, sidoo kalena dhaqan yahan ah, af gaaban, cibaado badan oo samo-talis ah. Guddoomiyuhu waxa uu tacsi u diraya dhammaan qoyska Ilma Shukri.

Waxa kale oo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Tacsi u diraya qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo ciidamada qalabka sida ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Col Ibraahin Axmed Ismaaciil oo Ceerigaabo ku geeriyooday. Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku sifeeyay shakhsi hawl kar ahaa oo qayb weyn ka soo qaatay halgankii waddanka, muddooyinkii dambena kaalin weyn kaga jiray Ciidamada iyo nabadda Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuummiinta Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoysaska, ehelka, qaraabada, iyo asxaabta ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.No photo description available.


Leave a comment