TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Hooyo Ardo Ismaaciil Yuusuf oo ku geeriyootay magaalada London ee Carriga Ingiriiska.

Friday January 15, 2021 - 20:28:31
0 Comments
563
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta  ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Hooyo Ardo Ismaaciil Yuusuf oo ku geeriyootay magaalada London ee Carriga Ingiriiska.

 

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah u tacsiyaynaya carruurteedii Ilma Xaaji Axmed Yuusuf Qulube gaar ahaan Siciid Qulube  iyo walaaladeed Ilma Ismaaciil Yuusuf iyo guud ahaan qoysaska ay Marxmuuddu ka baxday.

 

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuummadda Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

                                           

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

       Barkhad Jaamac Batuun



No photo description available.


Leave a comment