TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo Ciidamada Qaranka JSL ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Ibraahim Muxumed Yuusuf Buulcows oo ku geeriyooday dalka Turkiga.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyay oday samatalis ah oo door weyn ka soo qaatay nabadda iyo dhismaha Ciidamada Qaranka Somaliland. Islamarkaana kaalin ku lahaa halgankii iyo nabadayntii Dalka Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo Ciidanka Qaranka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun
