Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Wajahan Gobollada Sool iyo Sanaag Wefti Balaadhan oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa galabta safar ugu Ambabaxay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Bariga Somaliland. Guddoomiyaha ayaa isla maanta ka soo laabtay socdaal uu muddo ugu maqnaa dalalka Jabuuti iyo Kenya waxaanu socdaalkiisu daarran yahay wacyigelinta diwaangelinta qaadashada Kaadhka codbixinta oo ka bilaamay Sool iyo Sanaag. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa qayb libaax ka qaatay wacyigelinta diwaangelinta codbixiyeyaasha intii ay socotay diwaangelintu waxaanu socdaal balaadhan ku maray gobolka Togdheer iyo Daadmadheedh.

Saturday January 09, 2021 - 19:06:28
0 Comments
391
Xisbiga WADDANI

Leave a comment