TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Aw Daahir Guuleed oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Tuesday January 05, 2021 - 09:26:32
0 Comments
590
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Aw Daahir Guuleed oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah tacsi ugu diraya Xaaskii, Carruurtii iyo dhammaan qoyska reer Aw Daahir Guuleed ee Marxuumku ka baxay.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

   Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment