Weftiga madaxda Xisbiga WADDANI ayaa bulshada ku baraarujinaya diwaangelinta qaadashada kaadhka codbixinta,
waxaanay bulshada deegaannada ay mareen ku dhiirigeliyeen ay ka faa'iidaystaan fursaddan maalmaha kooban ah ee la siiyay dadkii aan hore isu diwaangelin, dhallinyarada qaangaadhay iyo dadkii hore labada jeer isu diwaangeliyay ee kaadhkoodu gubtay.






























