Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Qorshaynta Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa maanta Kormeer Wacyi Gelin ah Ku maray deegaannada Gobolka Daadmadheedh.

Saturday December 26, 2020 - 18:11:24
0 Comments
534
Xisbiga WADDANI
Weftiga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa bulshada deegaannada ay mareen ku baraarujiyay in ay si buuxda uga qayb qaataan Diwaangelinta Codbixiyeyaasha oo maalinta Berri ah ka bilaamaysa gobolka Daadmadheedh.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa bulshada magaalada Oodweyne iyo deegaannada hoos taga ku boorriyay in dhallinyarada qaangaadhay, dadkii aan hore isu diwaangelin iyo dadkii laba jeer is diwaangeliyay ee kaadhku ka gubtay ka faa'iidaystaan fursaddan mar labaad la siiyay, islamarkaana muujiyaan cududdooda si ay u dooran karaan wakiillo metela ulana tartami karaan gobollada dhiggooda ah.
Hoggaamiye Xirsi ayaa bulshada reer Daadmadheedh ugu baaqay in ay ka faa'iidaystan fursadan dadka loogu talo galay si mug lehna isu diwaangeliyaan.
Weftiga ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona gobollada Berri oo diwaangelinta codbixiyeyaashu ka furmayso
Image may contain: sky, car, outdoor and natureImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, people on stage and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 14 people, including Umu Munasar, child and outdoorImage may contain: 2 people, crowd and outdoorImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 3 people, outdoorImage may contain: 1 person, standing and sunglassesImage may contain: 2 people, outdoorImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 1 person, standing, sunglasses, hat and outdoorImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people, people standing, sky and outdoorImage may contain: 5 people, people standing, people on stage and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people and outdoor


Leave a comment