TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Aw-Yaasiin Yaasir Diiriye ( Shiwaar-Aw Yaasiin ) oo ku geeriyooday Magaalada Odense ee Dalka Denmark.

Friday December 25, 2020 - 14:15:47
0 Comments
478
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Aw-Yaasiin Yaasir Diiriye ( Shiwaar-Aw Yaasiin ) oo ku geeriyooday Magaalada Odense ee Dalka Denmark.

Marxuumka ayaa ahaa Xubin kamid ah xubnaha Goolaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Nin weyn oo ka mid ahaa rukunadi Xisbiga ee Dalka Denmark kaalin weyna ka qaatay hawlaha Xisbiga.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryayaa in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta gaar ahaan Xaaski Marxuumka iyo Caruurtiisina samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo .

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment