Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Cali "Bacalwaan" oo ku geeriyooday saaka Dalka Jarmalka

Thursday December 24, 2020 - 12:02:43
0 Comments
806
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Cali "Bacalwaan" oo ku geeriyooday saaka Dalka Jarmalka.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey hoobal weyn oo ka mid ahaa rukunadi fanka Soomalidana kaalin weyn ka qaatay dhidibo u taagistii fanka iyo madadaalada Umadda si weyna dadku ugu xasuusan doonaan riwayadihiisi uu ka ahaa jilaaga iyo qaab-masraxeedkiisi faneed ee xiisaha iyo xaragada badnaa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay in u ahaa nin bulshaawi ah oo adinkiisa iyo Afkiisaba laga nabad galay, Jeclaana dadkiisa iyo dalkiisa.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Marwo Safiya Cumar Faarax oo ah Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Garabka Haweenka heer qaran ee Xisbiga WADDANI oo uu Marxuumkuna Adeerkeed ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryayaa in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo jaaliyadda Soomalida dalka Jarmalka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.Image may contain: ‎text that says '‎Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Marwo Safiya Cumar Faarax 00 ah Guddoomiye ku- xigeenka 2aad ee Garabka Haweenka heer qaran ee Xisbiga WADDANI 00 uu Marxuumkuna Adeerkeed ahaa. Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryayaa in uu su 'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo jaaliyadda Soomalida dalka Jarmalka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. رَاجِعون إِلَيْهِ وَإِنَّا للهِ إنَّا Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun‎'‎



Leave a comment