Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Jaamac Axmed (Ibraahim Shoodhe) oo ku geeriyooday Magaaladda Jidda ee dalka Sucuudiga.

Sunday December 20, 2020 - 12:36:58
0 Comments
528
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Jaamac Axmed (Ibraahim Shoodhe)oo ku geeriyooday Magaaladda Jidda ee dalka Sucuudiga.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo jaaliyadda Sucuudiga ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment