Wafdiga uu Guddoomiyuhu hoggaaminayo ayaa u socday dardargelinta diiwaangelinta kaadhka codbixiyayaasha oo berri ka bilaabmaya Gobolka Saaxil iyo Degmada Hargeysa.
Guddoomiyaha & wafdigiisu waxa ay xogwareysi iyo warbixinno ay kala qaateen Guddida fulinta ee Gobolka Saaxil oo muujiyey kaalintooda diyaar garow ee howlaha kaadh qaadashada codbixiyayaasha berri bilaabmaysa.








