Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cumar Bulaale (Mashruuc) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa .

Thursday December 10, 2020 - 21:06:41
0 Comments
530
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cumar Bulaale (Mashruuc) oo càawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa .

Alle ha-unaxariistee Marxuumka ayaa kamid ahaa Ganacsatada reer Somaliland,waxaanu ahaa samafale ku caan-baxay ixsaanka iyo samafalka bulshada danyartana u dadaali jiray wax-tarkooda.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun




Leave a comment