Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Xaaji Maxamuud (Cismaan Dheere) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Thursday December 03, 2020 - 16:19:28
0 Comments
757
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Xaaji Maxamuud (Cismaan Dheere) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.


Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey qof aad u wanaagsana oo ehlu cibaado ahaa dabeecad iyo dadnimo wanaagsanaa lahaa dhanka horumarka iyo danta guud ee bulshadana hormuud ka ahaan jiray.
Wuxu Guddoomiyuhu ku tilmaamay marxuumku in u ahaa adoon ku caan-baxay ixsaanka iyo samafalka bulshada danyartana u dadaali jiray wax-tarkooda.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun



Leave a comment