KHUDBADDA GUDDOOMIYAHA

Saturday November 28, 2020 - 13:10:23
0 Comments
513
Xisbiga WADDANI

- Marka hore, waxa aan halkan ka salaamayaa bahda Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland, iyo Shacabka JSL ee warkaygu gaadhayo. Maanta waxa aan rabaa in aan laba qoddob ku koobsado hadal jeedintayda, qoddobka 1aad diiwaangelinta codbixiyaasha ee berri bilbaabmaysa iyo qoddobkayga 2aad oo noqon doona arrimo saxaafadda la xidhiidha.

Qoddobka 1aad: Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.

- Walaalayaal, waxa aydun ka warqabtaan, maanta waxa aynu soo gaadhnay albaabkii ama kadinkii doorashada laga geli lahaa, oo ah diiwaangelinta codbixiyayaasha, Diiwaangelintu waa furaha iyo muftaaxa doorasho in ay dalkan ka dhacdo, doodo dhaadheer, wada-hadal badan, garnaqsi iyo ra’yi kala duwaanshiiyo kaddib, waxaa maanta dalkan ka abuurmay jawi doorasho. Doorasho isku sidkan oo ah Gole wakiilo iyo Golayaal deegaan oo ay dadka reer Somaliland in badan ka dhur sugayeen kana foolinayeen.

 

-Maanta deegaan kasta oo reer Somaliland ah, waxaa horyaalla fursaddii ay kaadhka codbixinta ku qaadan lahaayeen, fursaddii ay kaadhka codbixinta ee ka lumay ku beddelan lahaayeen, fursaddii qofkii raba in uu degm doorashada uu doono u beddelan lahaa oo ka tirsan dhammaan degmo doorashooyinka Somaliland, dhammaan fursadahaasi wakhti kooban bay jirayaan , sidaa awgeed, deegaanka kasta iyo dadkiisaba, waxaa ku waajib ah in ay ka faa’iideystaan fursadahan muhiimka ah.

 

- Walaalayaal Deegaan kasta, maalmaha diiwaangelinta codbixiyayaasha waxaa ka socon doona wacyigelin joogto ah, tilmaamo ka imanaya Komishinka Doorashooyin Qaranka, dedaallo ay wadaan musharrixiinta u sharraxan golayaasha, is abaabulka dadka deegaanka, iyo Xisbiyada Qaranka oo korjoogteynaya diiwaangelinta, dhammaan dedaaladaaasi waxaa la isugu biirinayaa sidii dalkan ay uga dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah, isla markaana ay inoogu soo bixi lahaayeen golayaal u qalma in ay matalaan dadka soo dooortay, shuruucda loo baahan yahayna inoo sameeyaan, adeegyada loo baahan yahayna inoo qabtaan. .

-Walaalayaal, diiwaangelinta waxaa inoo qabanaya Komishinka Doorashooyinka Qaranka, waxaa la socda madax ka socota saddexda Xisbi Qaran oo kormeeraya sida howluhu u socdaan, waxaa howl-wadeenno ka ah aqoonyahankii Jaamacadaheenna ku jiray ama ka baxay, sidaa awgeed, waxa aan kula dardaarmayaa deegaan kasta oo ay diiwaangelintu ka bilaabmayso in uu soo dhaweeyo howl-wadeenada si buuxdana loola shaqeeyo.

- Sida aad wada-ogtihiin, berri subax waxa ay ka bilaabmaysaa diiwaangelinta codbixiyaayaashu toddoba degmo doorasho (7) oo ka mid ah 23ka degmo doorasha ee Somaliland kuwaas oo kala ah degmeda Borama, degmeda Saylac, Degmeda Lughaya, Degmeda Baki, Degmeda Gabiley, Degmeda Balligubadle iyo Degmeda Salaxlay.

-Dhammaan howl-wadeenadii iyo dadkii ku shaqada lahaa waxa ay joogaan goobaha diiwaagelinta, dhammaan muwaadiniinta aan hore isu diiwaangelin, dhallinyaradii qaan gaadhay diiwaan gelinta hore ka dib iyo dadkii labada jeer ama ka badan iswaadiiwaangeliyey ee sharcigu u diiday inay codeeyaan waa inay ka faa’iideystaan fursaddan iskuna diiwaan gelinayaan mudada afarta (4) cisho ah ee loo cayimay inay isku isdiiwaangeliyaan si aanay u waayin xuquuqdooda ah inay codeeyaan.

Qoddobka 2aad: Arrimaha Saxaafadda:

 

- Walaalayaal Saxaafadda guud ahaan, waa tiirka afaraad ee dawladnimada, waana halka xogta iyo wararka gaadhsiisa shacabka, kaalintan waxaa inoogu jira hablo iyo innamo diranayaal ah oo naftooda u huray sidii ay shacabka u gaadhsiin lahaayeen xogta la xidhiidha noloshooda, horumarkooda, dawladnimadooda, iyo wax kasta oo jira, sidaa awgeed Xukuumad, Xisbiyo iyo Shacabba waxaa la inooga baahan yahay inaan dhiirigelino kuna xurmeyno hawsha adag ee dhaqaalaha yar ee ay ku jiraan .

-Waxyaabaha lagu qiimeeyo dal kasta dawlad wanaagiisa, waxaa ka mid ah madax banaanida saxaafadda, xoriyatul qawlka iyo dhowrista xuquuqal insaanka. Saddexdan arrimood ictiraaf raadinteenna muhiim bay u yihiin. Waxaa kale oo muhiim inoo ah in xukuumadda Somaliland sugto in aynaan qiimeynta arrimahaas ka gelin kaalin hoose. Taas oo dhaawici karta himiladeenna, taas oo sanadihii ugu dambeeyey aynu ku jirnay kaalmo hoose.

 

-Maalin dhaweyd, waxaa hoygeyga igu soo booqday suxufiyiin badan oo ka tirsan saxaafadda madaxa-bannaan iyo Hoggaanka ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, dhammaantood waxa ay si qoto dheer iila wadaageen culeysyo iyo caddaadisyo ay kala kulmayaan xukuumadda iyo Wasaaradda u xilsaaran ee Warfaafinta oo uu joogo wasiir aan muddo dheer xeerdejiye isku ahayn si wanaagsanna u fahamsan dastuurka iyo shuruucda dalka, Mudane Saleebaan Cali Koore.

 

- Runtii markii aan dhageystay hadalkooda, waxaa iiga soo baxday in culeysyada intaas la eg aanay qaadi karin Suxufiyiinta dalka ka howlgala, Saxaafaddana ay ku tahay dhabar-jab iyo culeysin la saarayo si loo badhaq jebiyo ama loo cabsi geliyo.

 

-Xukuumadda, waxa aan uga digeynaa in aanay qaadin cashuuro iyo takaaliifaan Golaha Wakiiladu jideyn iyo inay qaaddo talaabooyin aan loo marin dastuurka ama shuruucda dhaqan-galka ah ee JSL kuwaas oo lagu xakamanayo madax-bannaanida Saxaafadda ama lagu cabudhinayo Saxaafadda Guud ahaan.

Xukuumadda waxa laga filayey kobcinta mihnadda Saxaafadda, tababarka Saxafiyiinta iyo abuurista jawi wada shaqeynayd ee saxaafadda madaxa banaan iyo tan dawliga ahba.

 

- Saxaafadda madaxa bannaan iyo ururka saxafiyiinta waxa ku waajib ah inay dhawraan qarannimada , amniga qaranka, waajbikoodana u gutaan si mas’uuliydi ku jirto, dhawraanna anshaxa Saxaafadda , wararka ay shacbiga u gudbinayaanna noqdaan kuwo sugan oo ay xaqiijiyeen.

 

Ugu dambeyn, Xisbiga WADDANI, waxa uu u caddeynayaa Saxaafadda madaxa bannaan iyo Hoggaankoodaba in aanu mar

-walba garab taagan yahay ayna waajib tahay inay helaan madax banaanida uu siiyey dastuurku iyo xeerka Saxaafadda ee dhaqan-galka ah.



Leave a comment