Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Guddida Fulinta ee gobolka Maroodi jeex kula kulmay xafiiska Gobolka.
Tuesday November 24, 2020 - 07:53:17
0 Comments
605
Xisbiga WADDANI
Kulanka ayaa daarranaa is waraysi iyo ka warbixin xaaladda guud ee Gobolka, wacyi gelinta diwaangelinta codbixiyayaasha iyo baraarujinta qaadashada kaadhka ee dhawaan dalka ka bilaabmi doonta