TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta, bahda waxbarashada iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof Siciid Sheekh Maxamed Cabdalle oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

Monday November 23, 2020 - 13:55:52
0 Comments
551
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, bahda waxbarashada iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof Siciid Sheekh Maxamed Cabdalle oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.


Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan samatalis ah oo hufnaan iyo wanaag ku astaysnaa. Waxa uu tilmaamay in uu door weyn ka soo qaatay halgankii SNM oo uu ka mid ahaa dadka laf-dhabarta ah ee qurbaha ka taageerayay sida oo kalena uu aqoontiisa wax badan uga faa’iideeyay bulshada gaar ahaana reer Somaliland oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku mashquulsana dedaallo dhanka waxbarashada ah.

Marxuumku waxa uu hadda ka mid ahaa, haldoorka iyo waxgaradka Xisbiga WADDANI isla markaana ahaa xubin ka mid ah Golaha Dhexe.

Guddoomiyuhu Waxa uu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyska reer Sheekh Maxamed Cabdalle Waxa uuna Ilaahay uga baryayaa Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun


Leave a comment