Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Oo La Soo Gebagabeeyay

Sunday September 29, 2019 - 03:22:59
0 Comments
1017
Super Admin
Shirweynihii labaad ee golaha dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo Sabtidii shalay ka furmay magaaladda Burco ayaa maanta la soo gebagabeeyay.

Waxaana gebagabadda shirkaasi lagu soo doortay xubno ka tirsanaan doona golaha dhexe ee xisbiga Waddani, iyadoo masuuliyiin hore xisbiga uga tirsanaana xilalka laga qaaday, isla markaana xisbiga laga saaray.

Shirweynahan golaha dhexe ee Waddani waxaa ka soo qayb galay boqolaal ergooyin ah oo meello kala duwan ka kala yimid, hogaanka sare  ee xisbigaasi, xubnaha golaha dhexe, wakiiladda xisbiga Waddani ee goboladda dalka iyo qaar ka mid ah wakiiladda wadamadda dibadda.


Sidoo kale waxaa shirkaasi ka soo qayb galay xubno laga soo casuumay labadda xisbi ee UCID iyo Kulmiye iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo aqoon yahano uu ka mid ahaa Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo boqolaal ka mida taageereyaasha xisbigaasi.
 
Munaasibadii furitaanka shirkii shalay ee Waddani waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo ay ka jeediyeen hogaanka xisbiga Waddani, ergooyinkii lagu soo casuumay iyo sidoo kale aqoon yahamiintii kale.

Leave a comment