Xisbiga WADDANI ayaa ka hor yimid Heshiiska ay galeen Xisbiyada Kulmiye iyo UCID

Sunday January 13, 2019 - 03:17:00
0 Comments
805
Super Admin
Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ayaa kasoo horjeystay heshiis ay si wadajir ah uga gaareen Kulmiye iyo UCID doorashadooyinka Goleyaasha degaanka iyo Aqalka Wakiiladda.

Xisbiga WADDANI ayaa warmurtiyeed uu maanta soo saaray ku sheegay inay ku adkaysanayaan in la kala diro guddida doorashadda, lana soo dhiso Guddi cusub, oo dhinacyada kuwada qanacsan yihiin.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ay sheegey in doorashada la gelayo bisha November ee sannadkan, islamarkaana guddida hadda jooga ee doorashaduna ay qabanayo.

Waddani waxuu sheegay in aanay suuro gal ahayn doorasho laba xisbi ah in ay Somaliland ka dhacdo, wuxuuna ugu baaqey Madaxweyne Muuse Biixi inuu la yimaado qorshe kale oo xal u ah Somaliland.


Xisbiga ayaa xusay in xisbiyadu kala madax bannaan yihiin aragti ahaan, islamar ahaantaana ay tahay in lagu wada shaqeeyo shuruucda iyo wixii lagu heshiiyo maaddaama Somaliland ku shaqaynayso dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

Leave a comment